804 Views

Gaari wayn oo looga shakiyay Qarax oo yaala isgoyska Balack sea iyo dadkii oo halkaas ku kala cararay

Gaari wayn oo looga shakiyay Qarax oo yaala isgoyska Balack sea iyo dadkii oo halkaas ku kala cararay
____________________________________________________________________________

April 25-2021

Wararka ka imaanaya xaafada Balack sea ee Degmada Hodon ayaa shedegaya in goor dhawayd halkaas lagu kala Cararay.

Kala Cararkaan ayaa keenay in gaari wayn oo looga shakiyay in ay saran yihiin Walxaha Qarxa lagu arkay halkaas, waxayna dadka deegaanka sheegeen in gaarigaan uu yaalay halkaas saacado badan.

Goobihii Ganacsiga iyo Xaafadihii u dhawaa halkaas ayaa lagu kala cararay, waxaana goor dhawayyd gaaray halkaas Ciidamada Dowlada, oo caan ku ah Marka ay wax dhacaan in ay gaaraan goobta.

Sidoo kale gaarigaan way ee looga shakisan yahay Qaraxa ayaa ah mid ay saran yihiin alaabo badan, taasi oo keentay in shakiga uu sii bato.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dadka shacabka ah iyo ciidamada ammaanku ay ku jiraan feejignaan dheeri ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post