1395 Views

Shacabka Soomaaliyeed oo si farxad leh u soo dhaweeyay Musharax Madaxweyne Mustaf Sheikh Ali Dhuxuloow Sawiro

Shacabka Soomaaliyeed oo si farxad leh u soo dhaweeyay Musharax Madaxweyne Mustaf Sheikh Ali Dhuxuloow Sawiro
____________________________________________________________________________

48  saac ee la soo dhaafay waxaa Baraha Bulshada iyo Warbaahinta afka  Soomaaliga ku hadasho aad u hadal hayeen Warar Soo baxay oo sheegaya in Mustaf Sheikh Ali Dhuxuloow uu yahay Musharax u taagan Xilka Madaxweynanimada 20201.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad u soo dhaweeyay, waxayna arintaas dhalisay dareen aad u balaaran, Xili shacabka Soomaaliyeed ay u baahan Hogaamiye la mid ah Mustaf Sheikh Ali Dhuxuloow.

Xildhibaan Mustaf Sheikh Ali Dhuxuloow waa nin dhalinyaro ah oo aqoon yahan ah, waana waayo arag uu uu alle ku maneystay ilbaxnimo, waana masuul horay loo tijaabiyay oo tayo iyo tiigsimaad leh, Anigana waxaan aad oga helay sida uu u caawiyo dadka danta yar.

Mustaf Sheikh Ali Dhuxuloow ayaa waxa uu yahay Muwaadinka ama Xildhibaanka shacabka Soomaaliyeed ee dhibaataysan garab taagnaa 12-kii Sano ee la soo dhaafay.

Waxaana la oran karaa waxaa  Tartanka Musharaxnimada Madaxweynaha Soomaaliya ku soo biiray shaqsi ay ka Go’antahay u adeegida iyo u Qidmeenta shacabka Soomaaliyeed, ahna qof u Sama Fala  Dhalinyarada, waayo arag Mustafa Sheikh Cali Dhuhulow.

 isku soo Duuboo Mustaf Sheikh Ali Dhuxuloow  ayaa Waxay Bulshada Soomaaliyeed u Muuhiyeen soo dhaween aad u Qiimo badan, waxaana Fanaaniinta Soomaaliyed kuwooda Muqdisho joog ay u qabteen Xaflado soo dhawayn ah

Cabdixakiin Cilmi xasan 

Nairobi Kenya 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post