1416 Views

Ku dhawaad 100-qof oo laga helay Coronavirus Somali

Ku dhawaad 100-qof oo laga helay Coronavirus Somali
____________________________________________________________________________


February 15, 2021

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka soo saartay xaaladihii u dambeeyey ee cudurka Coronavirus oo u muuqda inuu ku soo laba-kacleeyey Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda waxaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyey 91-qof oo qaba xanuunka COVID-19, kuwaas oo ku kala nool Muqdisho iyo deegaanada Puntland.

85-qof oo ka mid ah dadkaas waxaa laga diiwaan geliyey Muqdisho, halka 6-da soo hartay laha diiwaan geliyey deegaanada Puntland, sidoo kale wasaaraddu waxay shaacisay in afar qof ay u geeriyoodeen cudurka, halka lix kalena ay ka soo bogsadeen.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post