885 Views

QM oo kulan deg deg ah ka yeelanaya xaalada magaalada Qudus ee dhulka falastiin..

QM oo kulan  deg deg ah ka yeelanaya xaalada magaalada Qudus ee dhulka falastiin..
____________________________________________________________________________

May 10 2021

Golaha amaanka QM ayaa maanta oo isniin ah fadhi deg deg ah ka yeelanaya si ay uga doodaan wadciga magaalada Qudus, sido kale maanta waxaa jiri doona fadhiyo ay arimaha Falastiin ka yeelan doonaan Jaamacada Carabta iyo Hay’adda iskaashiga Islaamka.

Diplomaasiyiin ayaa sheegay in ku dhawaad sedex meelood xubnaha Golaha amaanka ee ka kooban 15ka xubnood ay soo jeediyeen fadhi in laga yeesho arimaha Falastiin.

Tunisia oo ah xubinta kaliya ee Carbeed ee Golaha ku jirta, Irland, China, Istooniya, France, Norwey, Niger iyo Vitnam ayaa iyagu soo jeediyay fadhigaan deg dega ah ee laga yeelanayo xaalada magaalada Qudus.

Madaxweynaha Maamulka Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas ayaa ka dalbaday beesha caalamka inay mas’uuliyadoodi qaataan si loo joojin lahaa falalka cadowtinimo ee Israel kula dhaqmayso Shacabka Falastiin oo laga hor istaagay goobihii ay ku cibaadeysan jireen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post