1263 Views

nin u geeriyooday kaddib markii haweeney 20 dolar ku lahaa ku dishay toorrey.

nin u  geeriyooday kaddib markii haweeney 20 dolar ku  lahaa ku dishay toorrey.
____________________________________________________________________________

Axad: July 4, 2021

Ganacsade ku nool deegaanka Kirinyaga ee dalka Kenya ayaa geeriyooday Jimcihii kaddib markii haweeney uu deyn ka qabay ay ku dishay toorrey.

Ninkan ayaa la sheegay inuu diiday inuu bixiyo deyn ay ku lahayd oo gaareysa Ksh.2,000 una dhiganta 20 doollarka Mareykanka ah.

Wiilkaa ninka dhintay Martin Kariuki ayaa sheegay in aabbihiis oo 45 jir ahaa oo lagu magacaabo Mark Karimi, uu u geeriyooday dhaawaca ka soo gaaray toorreyda.

Dadka deegaanka oo careysan ayaa gubay dukaanka haweeneyda, iyaga oo sheegay in ninka geeriyooday uu hore u siiyay lacagteeda.

Sidoo kale Haweeneydan ayaa haatan lagu hayaa saldhigga booliiska deegaanka Kagumo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post