1071 Views

Dad loo qabtay dilka Gabar Meydkeeda laga helay duleedka Godinlabe

Dad loo qabtay dilka Gabar Meydkeeda laga helay duleedka Godinlabe
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 6  2020–Ciidamada Booliska degmada Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay shaaciyeen in qof loo xiray Gabar yar oo 11 jir aheyd,taas oo meydkeeda laga helay degaanka Ceyn ee duleedka Magaalada Godinlabe.

Taliye ku-xigeenka Saldhiga Booliska Degmada Godinlabe ayaa sheegay in Gabadha yar oo lagu Magacaabi jiray Caaisho Maxamed Shanleey markii la dilay kadib meydkeeda la kor saaray geed oo ay kasoo bixiyeen.

Waxaa uu sheegay in kiisaasi dilka ah ay u soo qabteen Haweeney kamid ah dadka degaanka Ceyn oo la sheegay inay gabadha yar Habar yar u aheyd, isla markaana ay baaritaan dhab ah ku sameyn doonaan.

Ugu dambeyn Taliye ku-xigeenka Saldhiga Booliska Degmada Godinlabe waxaa uu sheegay inay haatan wadaan howlo baaritaano ah oo ku aadan kiisaas,isla markaana wadatashiyo kadib ay meydka Gabadha Aasi doonaan.

Dhacdooyinka la xiriira dilka Gabdhaha yar yar oo qaarkood la kufsaday ayaa kusoo batay dalka Saddexdii sano ee la soo dhaafay,waxaana dhacdadii ugu weyneyd ay noqotay kufsigii & dilkii Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Caa’isho Ilyaas Aadan walow dadkii falkaasi lagu helay la dilay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post