744 Views

Somaliya iyo Itobiya oo kala Saxiixday in Itobiya laga keeno Jaadka Somaliyana laga qaado Kaluunka.

Somaliya iyo Itobiya oo kala Saxiixday in Itobiya laga keeno Jaadka Somaliyana laga qaado Kaluunka.
____________________________________________________________________________

 June 20 2021

Dowlaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis ganacsi oo ku qotoma isdhaafsiga wax-soosaarka labada dalka sida Jaadka iyo Kalluunka.

Wasiirka wasaaradda Kalluumeyisiga iyo Kheyraadka badda, wasiirka Gaadiidka, Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya iyo ganacsato ayaa ka qeyb xaflad ka dhacday Garoonka oo lagu saxiixay hesiiska ay gaareen labada dal.

Heshiiskan ayaa ganactada labada dal u oggollaanaya in ay badeecadooda sida Jaadka Itoobiya iyo Kalluunka Soomaaliya is-dhaafsadaan.

Sidoo kale  Shixnadii ugu hoorreysay ee Kalluun ah oo dhan 5000 oo tan ayaa maanta laga dhoofiyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, iyadoona lagu qaaday diyaaradda Ethopian Airline.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post