225 Views

Sharci-dejiyayaasha Maraykanka iyo Brazil oo iska kaashanaya baadhitaanka weerarkii baarlamaanka Brazil

Sharci-dejiyayaasha Maraykanka iyo Brazil oo iska kaashanaya baadhitaanka weerarkii baarlamaanka Brazil
____________________________________________________________________________

Khamiis: January 12, 2023

Kaaliyayaasha sharci-dejiyayaasha Maraykanka ee ka tirsan guddidii baadhaysay weerarkii 6-da January ee lagu qaaday aqalka baarlamaanka ee Maraykanka ayaa wadahadal hor-dhac ah la yeeshay baarlamaanka dalka Brazil, iyaga oo doonaya in la iska kaashado, baadhitaan lagu sameeyo, mudaharaadayaashii qabsaday aqalka baarlamaanka ee Brazil. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka soo xigatay laba qof oo arrintan si dhow ula socday.

Mudaharaadayaashaas ayaa ugu baaqayey milateriga dalkaas inay inqilaab ku sameeyaan madaxweynaha Brazil.

Bennie Thompson oo ka tirsan aqalka wakiillada ee Maraykanka oo guddoomiye ka ahaa guddidii dhowaan la kala diray ee baadhaysay dhacdadii 6-da January ee lagu qaaday aqalka baarlamaanka ee Maraykanka sannadkii 2021, ayaa la sheegay inuu ka mid yahay xubnaha Congresska ee xafiiskoodu uu ku hawlan yahay wadahadalada lala sameeyey baarlamaanka Brazil.

Guddoomiyaha aqalka Senateka ee dalka Brazil Rodrigo Pacheco ayaa isaga laftiisu wuxuu fikradda ah in macluumaadka la isweydaarsado kala hadlay diblomaasiga ugu sarreeya Maraykanka ee ku sugan dalka Brazil, sida laga soo xigtay qof saddexaad oo arrintan xogogaal u ah.

Wararka laga helay Pacheco ayaa sheegaya in sii hayaha safaaradda Maraykanka ee Brazil Douglas Koneff, inuu soo dhoweeyey aragtida ah in la wadaago macluumaadka.

Xafiiska Pacheco iyo safaaradda Maraykanka, midna kama jawaabin warkan.

Reuters.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post