840 Views

QM oo ka digay halis kusoo wajahan dalal ay ku jirto Soomaaliya

QM oo ka digay halis kusoo wajahan dalal ay ku jirto Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 06 2020—Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa sheegay in wadamo ay kamid tahay Soomaaliya ay kusoo wajahan tahay macluul daran oo saameyn ballaaran ku yeelan karta dadka danta yar.

Warbixin uu la wadaagay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayuu ku sheegay in dalalka, Soomaaliya, Afghanistan, Burkina Faso, Nigeria, Congo, Yemen, iyo South Sudan ay wajahayaan macluul halis ah oo aad u daran.

Xaaladaha dalalka ay Soomaaliya ku jirto kusoo wajahan ayaa waxaa kamid ah Cunto yari iyo Biyo yari baahsan oo saameyn karta dadka reer Guuraaga ah.

” Xaaladaha macluusha ah waa ay kasii dareysaa, waxaa uga sii daran dalalkaas dadka Shacabka ah waxaa dilaya Kooxo hubeysan oo aan naxeyn waana dhibaato kale oo daran ayuu yiri” Antonio Guterres.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Cudurka Coronavirus uu dhibaatooyin badan kusoo kordhiyay wadamada qaar oo uu saameyn ku yeeshay dhinaca cuntada maadaama badi dalalka xayiraad dhinaca socdaalka ah ay soo rogeen.

Ugu dambeyn Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa waxaa uu ku baaqay in si deg deg ah looga jawaabo xaaladaha macluusha ah ee kusoo wajahan dalal ay kamid tahay Soomaaliya oo hadii aan wax laga qaban saameyn ballaaran reebi karta.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post