1029 Views

Galmudug oo sheegtay in weerar lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Galmudug oo sheegtay in weerar lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay weli howlgallo kala duwan ka wadaan degaano ki yaal Koonfurta Gobolka Mudug.
War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada huwanta ah ay weerar ku qaadeen Goob ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana khasaaro ay ku garsiiyeen.

“Galabtay abaaro 1500pm saacaddu markii ahayd ayaa ciidamo si gaar loo xulay oo kuwa Qaranka iyo Galmudug isugu jira waxay Duleedka Bari ee magaalada Camaara weerar qorshaysan ku qaadeen koox argagixisada Shabaab ka tirsan oo goobtaas ku dhuumaalaysanaysay, ayadoo dhammaan la soo afjaray, ciidamadeeniina waxay si nabad ah ugu soo laabteen fariisamahoodii aya lagu yiri” Warka kasoo baxay Galmudug.
Sidoo kale Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa sheegtay in hadda Al-Shabaab kaliya ay adeegsanayaan weerarada hoobiyeyaasha ah, miinooyinka dhulka lagu Aaso.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post