1215 Views

SAWIRO:-Axmed Madoobe oo Garoowe kula kulmay Xubno uu ku jiro Wasiir Oomaar

SAWIRO:-Axmed Madoobe oo Garoowe kula kulmay Xubno uu ku jiro Wasiir Oomaar
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 17 2020–Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan Magaalada Garowe ayaa halkaaai kula kulmay Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah Wasiiro Siyaasiyiin iyo Xubno kale.

Kulanka ayaa wararka aan helay waxaa ay sheegayaan in looga hadlay sidii xal looga Gaari lahaa khilaafkii la dhashay doorashadii Axmed Madoobe, kaas oo kala dhaxeeyo Dowladda Soomaaliya.

Wasiirada kulanka goobjoog ka ahaa ayaa waxaa kamid ah, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo khilaafka ugu xoogaa uu kala dhaxeeyo Axmed Madoobe iyo Wasiirada Dastuurka iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Qoraal kooban oo uu Wasiir Oomaar soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in uu Garoowe kula kulmay Madaxweyne Axmed Madoobe,hayeeshee uu weli sidiisii yahay kala ragti duwanaanshihii ka dhaxeeyay.

Kulanka oo aan weli faah faahin rasmi ah laga bixin ayaa waxaa sidoo kale wararka aan helay ay sheegayaan inay jiri doonaan kulamo kale oo ka dhici doona Magaalada Dhuusamareeb oo uu dhawaan ka dhici doono shir u dhaxeeya Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post