435 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay hay’adaha Amniga iyo Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM

Ra’iisul Wasaare   Rooble oo la kulmay hay’adaha Amniga iyo Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM
____________________________________________________________________________


Arbaco: February 23, 2022

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku qabsoomay shirka Amniga Qaran oo ay ka soo qayb galeen Hay’adaha Amniga iyo Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM kaaso loga hadlayay xooninta amniga Dalka,la dagaalanka Al-shabaab ,dardargelinta sugidda amniga Muqdisho iyo adkaynta amniga Doorashada.

Shirka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la isku dhaafsaday aragtiyo lagu xoojinayo amniga dalka iyo howlgallada kadhanka ah ururka Al-shabaab.

Ra’iisulwasaare Rooble ayaa ku boggaadiyey hay’adaha amniga iyo Taliska AMISOM dadaalada ay wadaan ee lagu ciribtirayo kooxaha dhibaatada ku haya bulshada Soomaaliyeed, waxuna ku adkeeyey in la sii wado howlgallada xoreynta goobaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post