900 Views

Soomaaliya oo ka qeyb galaysa bandhigga caalamiga ah ee todobaadka tamarka Afrika

Soomaaliya oo ka qeyb galaysa bandhigga caalamiga ah ee todobaadka tamarka Afrika
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 22, 2021 —Wasiirka Wasaaradda Bartoolka Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdirashiid Maxamed Axmed  ayaa waxaa la filayaa in magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika uu uga qeyb galo Shirka Toddobaadka Tamarta Afrika.

Wasiir Cabdirashiid ayaa sheegay in shirkaasi Soomaaliya uu fursad u yahay , isla markaana lagu casuumay shirkado waawayn oo danaynaya in ay Soomaaliya la galaan wadaxaajood ku saabsan fursadaha sahaminta tamarta dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Shirka todobaadka tamarta Afrika ee Magaalada Cape Town uu kor u qaadayo fursadaha ay soomaliya u heli karto in laga sameysto malgashi la xiriira Khayraadka iyo Macdanta Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Bartoolka Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdirashiid Maxamed Axmed oo hadal ka jeedin doona kulankaas ayaa markale waxaa uu ku celin doonaa in dalka uu u furan yahay maalgashi, islamarkaana uu diiradda saaridoono sidii wadahadal wax -ku -ool ah loola yeelan lahaa maal -gashadeyaasha todobaadka Tamarta Afrika.

Kulanka  Toddobaadka Tamarta Afrika oo ay goobjoog ka noqon doo na n Shirkado waaweyn ayaa waxaa la doonayaa in lagu mideeyo daneeyayaasha tamarta Afrika, si kor looguu qaado kobcinta warshadaha iyo Afrika inay noqoto mustaqbalka Waaxda tamarta ee Caalamka.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post