1317 Views

Madaxweynaha Jubbaland oo faahfaahiyay Khasaaraha ka dhashay Weerarkii Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland oo faahfaahiyay Khasaaraha ka dhashay Weerarkii Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 13, 2019 —Madaxweynaha oo Saxaafada la hadlay ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii iyo weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen  Hotelka Madiina isagoona ka warbixiyay sida ay wax u dheceen.

 

Madaxweynahu wuxuu sheegay in 26 qof ay ku dhinteen weerarka halka 56 kalana ay ku dhaawacmeen isagoo sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan qaar haystay jinsiyadaha dalalka

Kenyan 3 qof.

Canadian 1 qof.

British 1 qof.

American 2 qof.

Tanzanian 3 qof.

 

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in labo qof oo u dhalatay wadanka shiinaha ay kamid yihiin dadka dhaawacmay kuwaas oo hada xaaladoodu aad u wanaagsan tahay.

 

Madaxweynaha ayaa si gaar ah tacsi ugu diray ehelada uu ka baxay Xildhibaan hore hadana ahaa musharax u tartamayay xilka madaxtinimo ee Jubbaland Xildhibaan shuuriye iyo Alle ha u Naxariistee wasiir hore oo Jubbaland ah Jaamac fariid iyo marwadiisa hodan naleeye isagoo ilahay uga baryay dhamaan dadka dhintay in uu janadii fardowso ka waraabiyo kuwa dhaawaca ahna wuxuu u rajeeyay caafimaad taam ah.

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in raga weerarka soo qaaday ay ahayeen afar qof kuwaas oo mid kamid ah uu Hotelka isku qarxiyay mid kalana isaga oo nool ay ciidamada amaanku ay gacanta ku dhigeen halka labada kale toogasho lagu dilay.

 

Waxaa Madaxweynahu uu amaanay dadaalkii ay muujiyeen Ciidamada amaanka oo dad farabadan kasoo badbaadiyay hotelka sidoo kalana wakhti kooban kusoo afjaray Al-Shabaab weerarka soo qaaday waxaa uu intaas ku daray in amaanka gacan bir ah lagu qaban doono isagoo faray Hay”adaha amaanka in ay baaritaan dheeri ah ku sameeyaan sida ay wax u dheceen dibna shacabka ay ula wadaagi doonan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment