822 Views

Duqa Muqdisho oo Amar dul-dhigay Guddoomiyeyaasha degmooyinka

Duqa Muqdisho oo Amar dul-dhigay Guddoomiyeyaasha degmooyinka
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 13 2020–Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa sheegay in Roobabkii ka da’ay caasimadda Dalka ee Muqisho Xalay uu saameyn ballaaran ku yeeshay bilicda iyo muuqaalka magaalada, isagoo xusay inay biyo fariisteen qaar ka mid ah Waddooyinka waa-weyn ee magaalada.

Duqa Muqdisho oo maanta Saxaafadda la hadlayay ayaa balan qaaday in shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda ay si deg deg ah howl lagu dardargelinayo Horumarinta Nadaafada iyo bilic soo celinta Caasimadda la bilaabayo, isagoo la dardaarmay dhammaan Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo shacabka ku nool Degmooyinka in ay kaalin weyn ka qataan Nadaafada iyo bilicda Caasimadda.

Duqa Caasimadda Cumar Filish ayaa sheegay in ay socdaan qorshooyin lagu dardargelinayo Horumarinta Caasimadda, islamarkaana Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay ka shaqeynta Horumarinta caasimada, dhinacyada amniga, Nabada, Nadaafada, bilic soo celinta Caasimadda iyo wacyigilin bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post