678 Views

Puntland oo Guddoomiye Cusub u Magacaawday Gobolka Cayn

Puntland oo Guddoomiye Cusub u Magacaawday Gobolka Cayn
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 29, 2021 —Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa guddoomiye Cusub u Magacaabay Gobolka Ceyn ee Puntland.

Madaxweyne kuzigeenka Markuu arkay: Dastuurka Puntland.

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland iyo Xildhibaanada Gobolka Cayn.

Markuu arkay: Baahida shaqo ee jirta.

Markuu tixgeliyay: Aqoonta iyo waayo-aragnimadiisa shaqo

Wuxuu u magacaabay:-

Cabdifataax Ciise Maxamed Gudoomiyaha Gobolka Cayn.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenku , wuuna saxiixay.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post