1347 Views

Anwar Gargash: “Qadar argagixisanimo ayey ka waddaa Somaliya”

Anwar Gargash: “Qadar argagixisanimo ayey ka waddaa Somaliya”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 31, 2019 —Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta Anwar Gargaash ayaa nasiib darro ku tilmaamay falalka argagixisanimada leh ee dowladda Qadar ka waddo Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

 

Anwar ayaa sheegay in markii Imaaraadka, Sucuudiga, Baxreyn iyo Masar ay cunaqabateynta saarayeen Qadar lala yaabbanaa islamarkaana ay hadda soo baxeyso in uu go’aankooda saxnaa.

 

Qoraal uu ku daabacay Boggiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in warbixintii dhawaan ay daabacday Newyork Times iyo codadkii la dhegeystay ay caddeyn u tahay sida Dowladda Qadar ugu lug leedahay falalka argagixisanimada ah ee ka socda Soomaaliya.

 

Dowladda Qadar ayaa beenisay in ay ka dambeysay weerarro ka dhan ahaa Imaaraadka Carabta oo ay Newyork Times ku sheegtay in ay Qadar ka fulisay magaalada Boosaaso ee Dowlad Goboleedka Puntland.

 

Newyork Times ayaa sheegtay in cod la dhegeystay lagu ogaaday danjiraha Qadar ee Soomaaliya oo la sheekeysanaya maalqabeen u dhashay Dalkaas kana wada hadlayaan arrimo ku saabsan sida saaxiibadood u fuliyeen qaraxa ka dhacay Boosaaso.

 

Warbixinta Wargeyska ayaa lagu sheegay in safiirka uu sheegay in ganacsadaha uu ula hadlayay si gaar ah ee uusan ula hadleyn isaga oo matalaya dowladda Qadar, sidoo kale dowladda Qadar ayaa sheegtay in cid kasta aysan ku hadli karin afkeeda.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment