348 Views

Turkiga oo aqbalay in Sweden iyo Finland ay NATO ku biiraan

Turkiga oo aqbalay in Sweden iyo Finland ay NATO ku biiraan
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 29, 2022

Gaashaanbuurta NATO ayaa daabacday heshiis lagu dardar galinayo xubinimada dalalka Sweden iyo Finland — taasi oo soo afjaraysa toboneeyo sano oo dalalkaasi ay militari ahaan dhexdhaxaad ahaayeen.

Dalka Turkiga ayaa horey uga soo horjeeday qorshahan,isaga oo ku eedayay Sweden iyo Finland inay martigaliyaan dad u dhaqdhaqaaqa Kurdiyiinta oo uu Turkiga u arko aragagixiso.

Balse xalay madaxwaynaha Turkiga , Recep Tayyip Erdogan, ayaa ka tanaasulay diidmadaasi taa badalkeedana waxaa uu Turkiga qaatay dammaana -qaad dhanka amaanka ah .

Xukuumadda Moscow ayaa ballaarinta NATO ku tilmaamtay mid xasilooni daro abuuraysa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post