1404 Views

Taliska Ciiidanka Badda oo ka hadlay Doontii ku degtay Xeebta Cadale

Taliska Ciiidanka Badda oo ka hadlay Doontii ku degtay Xeebta Cadale
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-24–2019 –Taliyaha Ciidanka Badda &  ilaalada Xeebaha dalka Soomaaliya Admiraal guuto Cabaas Amiin Cali ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka hadlay doontii ay wateen Ciidamo katiran kuwa Dowladda Soomaaliya ee dhawaan ku degtay meel u dhow Xeebta degmada Cadale.

Taliyaha waxaa uu sheegay inaysan jirin cilad weyn oo ku timid doontaas iyo inay waxyeelo dhimasho ah kasoo gaartay ciidamo katirsanaa Dowladda ee saarnaa,kuwaas oo uu sheegay inay raashin u wadeen Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Doontaas iyo doon kale oo gurmad ahaan ugu direen ay haatan ku sugan yihiin Xeebta degmada Cadale,isla markaana Maanta ay soo geli doonaan Ciidamadaas Magaalada Muqdisho.

Si kastaba hadalka Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli Ciidamada Howlgalka Midowga Yurub ee ka howlgalla Biyaha Soomaaliya ay sheegeen inay soo badbaadiyeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo Doon la degtay, iyaga oo Sawiro soo bandhigay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment