975 Views

Abaanduulaha guutada 10aad qeybta 43aad oo kulan la qaatay sarakiisha iyo Ciidanka

Abaanduulaha guutada 10aad qeybta 43aad oo kulan la qaatay sarakiisha iyo Ciidanka
____________________________________________________________________________


isniin: November 8, 2021

Abaanduulaha guutada 10aad qeybta 43aad G/dhexe Cismaan Sheikh Cabdi Qorax oo kusugan magalada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa kulan la qaatay sarakiisha iyo Ciidanka ururka 27aad ee ku sugan xerada ciidamada UK ee magalada Balladxaawo.

Abaanduulaha ayaa ciidanka halkaas ku sugan ku amaanay shaqada adag oo ay hayaan waxa uuna kula dardaarmay in ay u diyaar garoowaan howlgal adag oo lagu ciribtiriyo kooxaha argagixisada ah ee ku sugan qeybo ka mid ah dalka.

Ugu danbeyn taliyaha ayaa la wareegay feylka guud ee ciidamada ururka 27aad guutada 10aad ee ka howlgasho magalada Balladxaawo , ujeedka ayaana ahaa sidi uu u ogaan lahaa kuwa shaqada xaadirka u ah iyo kuwa ka maqan shaqadooda wuxuu amar ku siiyay sarakiisha ururkaasi in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo xareeyo ciidamada ka maqan xerada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post