495 Views

Colaad la xiriirta aanooyin qabiil oo ka taagaan Deegaano hoostaga degmada Cadalle

Colaad la xiriirta aanooyin qabiil oo ka taagaan Deegaano hoostaga degmada Cadalle
____________________________________________________________________________

.

Axad: July 3, 2022

Ciidamo ka amar qaata taliyaha ururka 4-aad ee qaybta 27-aad Ciidanka Xoogga dalka Korneyl Saney Cabdull oo daba socda Aanada Dil maalmo kahor maleeshiyaad careysan ay geesteen, ayaa Dagmada Cadalle ku dhaawacay qof shacab ah, sida ay kusoo warameen Dadka degaanka.

Qaar kamid ah dadka degan degmada Cadalle oo la hadlay Idaacadda kulmiye ayaa sheegay in ciidamadda ay meyd ahaan uga tageen ninka ay dhaawaceen, kadib markii ay rasaas sida wada jir ah ugu fureen.

Ninka ay dhaawaceen Ciidamadda daaacada u ah Korneel saneey Cabdulle ayaa la sheegay inuu caan ka ahaa Dagmada Cadalle, sidoo kalana ahaa ganacsade, kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdulaahi Xassan Cali, waxaana dhaawiciisa loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Arintaan ayaa timid kadib markii aano qabiil ay isku badashay howlgal dhawaan laga fuliyay deegaano ka tirsan gobolka shabeellaha Dhexe, oo ay hoggaaminayeen Guddoomiyaha Gobolka Axmed Mayre Makaraan iyo taliyaha ururka 4-aad ee qaybta 27-aad ciidamada Xoogga Korneyl Saney Cabdulle iyo maamullada degmooyinka gobolkaas.

Waxaana Ciidankii Militariga uu hoggaaminayay Taliye Saney Cabdulle ay dileen qaar kamid ah maleeshiyaadkii ay u taalay Isbaaro, kadibna ay iyaguna isa soo abaabuleyn sidoo kalena ay dileen dad shacab oo ku heyb ah Koreelka, isagana uu taas si weyn ugu carooday.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post