498 Views

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Japan oo dhaawicii u geeriyooday

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Japan oo dhaawicii u geeriyooday
____________________________________________________________________________

Shinzo Abe, oo ahaa ra’iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee soo maray dalka Japan, ayaa dhintay ka dib markii toogasho lagu dhaawacay magaalada Nara, xilli uu u ol’oleynayay doorashada baarlamaanka, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Ra’iisul wasaaraha hadda xilka haya Fumio Kishida ayaa sheegay in Abe, oo 67 jir ah, uu ku jiro xaalad halis ah.

Sida laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga (Xisbiga Liberal Democratic Party), ra’iisul wasaare hore Abe ayaa ku dhintay isbitaal ku yaal magaalada Kashihara ee gobolka Nara, halkaas oo lagu daweynayay, wuxuuna ahaa 67 sano jir.

Sida ay wararku sheegayaan Abe waxa uu u muuqday mid wadnuhu istaagay markii diyaarada loogu qaaday Isbitaalka, si loola tacaalo xaaladiisa Caafimaad.

Booliska ayaa sheegay in nin 41 jir ah oo looga shakisan yahay in uu fuliyay toogashada la xiray.

Weerarku waxa uu dhaliyay naxdin iyo cambaarayn caalamka oo dhan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post