1407 Views

Xisbiyadda Maraykanka Oo Qeylo-Dhaan Ka Keenay Lacagaha Lagu Maalgeliyo Ciiddanka Somalia Iyo Dalxiiska Masar

Xisbiyadda Maraykanka Oo Qeylo-Dhaan Ka Keenay Lacagaha Lagu Maalgeliyo Ciiddanka Somalia Iyo Dalxiiska Masar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Diseembar 25, 2018 –Wargeyska Breitbart News  ayaa qoray in Hay’addaha Siyaasadeed ee Xisbiyadda Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ee dalka Maraykanka waxay qeylo-dhaan ka keeneen Kharajka soo-jeedinta ee uu Madaxweyne Trump ku doonayo in lagu dhiso Gidaarka u dhexeeya xuduudka Maraykanka la wadaagaan dalka Meksiko.

Labada Xisbi waxay sheegeen in Codsiga Madaxweyne Trump ku soo beegantay, xilli  115 million oo Dollar oo ay bixiyaan Canshuur-bixiyayaasha Maraykanka lagu maalgeliyey Ciiddanka Qaranka Somalia, Dalxiiska gudaha dalka Masar iyo cabsida Daroogadda Kokaa’iinka iyo arrimo badan, waa sida uu Wargeysku qoray.

Xubno ka tirsan Kongareeska Maraykanka iyo Senedka Dimuqradaiga  waxay sheegeen inay ka biyo-diidan yihiin Codsiga Kharajka Donald Trump ee dhismaha Derbiga ee Xudduudka Maraykanka iyo Meksiko.

Dhinaca kale, ee Xisbiyadda Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ee dalka Maraykanka waxay qeylo-dhaan ka keeneen Lacagaha Canshuur-bixiyayaasha ee ay sannadkan ku bixiyeen Hawlgallo ka socda dalal ka mid ah Caalamka.

Wargeyska Breitbart News   waxa uu qoray inay Xisbiyadaasi sheegeen in Canshuur-bixiyayaasha Maraykanka sannadkan lagu khasbay inay maalgeliyaan 76 million oo Dollar oo mushaar ahaan loo siinayo Ciiddanka Qaranka Somalia.

Wargeyska waxa kaloo u usheegay in Malaayiin Dollar oo kale lagu maalgeliyey dalal kale.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment