1014 Views

Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Galmudug

Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Galmudug
____________________________________________________________________________

Sabti: November 6, 2021

Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa isku soo dhiibay Xubin ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kaas oo lagu Magacaabo Deeq Cabdul Maciin, Al-Shabaab dhexdoodana looga yaqaanay Shiine.

Ninkaan ayaa muddo ka howlgalayay degaano kuyaal Koonfurta Gobolka Mudug, xilligii ay ka socdeen dagaaladii u dhaxeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dbinac ah &  Al-Shabaab.

Deeq Cabdul Maciin oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Al-Shabaab uu u qaabilsanaa dhigista miinooyinka, sidoo kalena sababta u uga soo baxay Al-Shabaab  ay tahay dhibaatooyin kala duwan uu kala kulmay Al-Shabaab intii uu ka tirsanaa.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug waxaa isku soo dhiibay Saraakiil iyo Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ka howlgeli jiray degaannada Galmudug.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post