1065 Views

Maamulka Dhuusamareeb oo ka hadlay Weerarkii xalay ka dhacay Bartamaha magaalada.

Maamulka Dhuusamareeb  oo ka hadlay Weerarkii xalay ka dhacay Bartamaha magaalada.
____________________________________________________________________________

June 12 2021

Maamulka degmada Dhuusamareeb ayaa war kasoo saaray weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay bartamaha magaaladaasi oo Caasimada u ah dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Qoraalkan oo uu saaray afhayeenka maamulka magaaladaasi, Bashiir Maxamed Salaad (Sanka) ayaa waxaa ugu horreyn tacsi loogu diray ehellada dadkii ku dhintay weerarkaasi, iyada oo kuwa dhaawaca ahna loogu rajeeyey inuu Eebbe siiyo caafimaad deg-deg ah.

Bashiir Sanka ayaa sidoo kale shaaciyey in ciidamada ammaanka ay wadaan baaritaano dheeraad ah, isla-markaana ay ku raadjoogaan kooxdii ka dambeysay falkaasi.

about:blank Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in falkan uu ahaa mid wuxuushnimo ah, isla-markaana ay cadaaladda horkeeni doonaan raggii ka dambeeyey dhacdadaasi.

Aqriso Qoraalka ka soo baxay Dhuusamareeb

Waxaan katacsiyaynaa aniga oo kuhadlaya afka maamulka Caasimada Galmudug iyo kayga falkii foosha xumaa ee xalay lagu dilay ganacsato howlahooda shaqo ee gaarka haystay,kuwana lagu dhaawacay.

Waxaan alle uga baryaa marka hore inuu naxariistiisa janno mida ugu sarraysa siiyo inta inaga baxday,qabrigana waasac uga dhigo,kitaabkooda gacanta midig kasiiyo,janatul firdowsa kawaraabiyo,inta dhaawacaana ubooga dhayo.

Dhamaan caruurta,xaasaska,waalidka,ehelka iyo asxaabta ay kabaxeena in Alle Samir jamila ugu badalo.

Waxaan intaa kadib bulshada deegaanka usheegayaa in falkaa wuxuushnimada ah dadkii gaystay hay’adaha amnigu kuraadjogaan,cadaaladana lahorkeeni doono sida ugu dhaqsiyaha badan hadii alle idmo.

Waxaan ugu dambayn bulshada Caasimada Galmudug dagan iyo deegaanada hoosyimaada kacodsnaa inay lashaqeeyaan ciidamada amniga si looga baaqsado in waxii xalay dhacay aysan mardambe dib udhicin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post