1317 Views

Baadiyow: “Taariikhdu yeey naga xumaan oo damacu na indha tirin”.

Baadiyow: “Taariikhdu yeey naga xumaan oo damacu na indha tirin”.
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 06, 2021 —Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow ayaa qoraal uu ku daabacay Bartiisa Twitter-ka waxa uu uga hadlay cabashada kasoo yeertay Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi ee la xiriirta hab maamulka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka dadban ee Gobollada Waqooyi.

Baadiyow waxa uu ka digay  in looga sii daro khilaafka ka dhex jira Guddoomiyaha Aqalka sare BFS & Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka oo isku heysta cidda leh awoodda maamulka Doorashooyinka Gobollada Waqooyi (Somaliland)

“Gudoomiye Cabdi Xaashi waa astaanta wadan-jaceylka iyo midnimada. Wa oday ku caanbaxay dhawridda sharciga. Waa in la qadariyo, lana ixtiraamo. Khilaafka jira waa la xallin karaa ee degdegta waa in laga daayo. Taariikhdu yeey naga xumaan oo damacu na indha tirin. Tawfiiq Ilaahow” sidaasi waxaa yiri Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow.

Khilaafka u dhaxeeya Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi & Ra’iisul Wasaare ku xigeen Mahdi Maxamed Guuleed ayaa saameeyay guddiga ku yimid magacaabistooda oo labo garab u kala jabay.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo wadahadal la yeeshay Xaashi iyo Guuleed waxa uu sheegay in 7-da August 2021 oo ku beegan Berri oo sabti ah guddoomiye ku xigeenkiisa uu dooranayo Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee Gobollada Waqooyi (Somaliland).

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post