321 Views

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo u hambalyeeyay Xi Jinping oo markii saddexaad loo doortay hoggaamiyaha Shiinaha

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo  u hambalyeeyay Xi Jinping oo markii saddexaad loo doortay hoggaamiyaha Shiinaha
____________________________________________________________________________

Axad: OCTOBER 23, 2022

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u hambalyeeyay Xi Jinping oo markii saddexaad loo doortay hoggaamiyaha Shiinaha.

Putin wuxuu sheegay in uu ku rajo weyn yahay sidii mar kale loo sii xoojin lahaa xiriirka weyn ee kala dhexeeya Shiinaha, sida laga soo xigtay aqalka Kremlin-ka.

Labada nin ee saaxibada ah ayaa ku kulmay shirkii iskaashiga ah ee ka dhacay dalka Khazakhstan halkaas oo ay ka wada sheegeen in uu dhexmaray kulan looga hadlayay xiriirka labada dal.

Bishii February ayay aheyd markii Shiinaha iyo Ruushka ay ku dhawaaqeen xiriirkooda saaxibtinimo maalmo uun ka hor inta uusan Ruushka ku duulin Ukraine.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post