996 Views

Ruushka oo sheegay in la dhameystiray heshiiska dib u soo nooleynta Nukliyeerka Iiran

Ruushka oo sheegay in la dhameystiray heshiiska dib u soo nooleynta Nukliyeerka Iiran
____________________________________________________________________________

Isniin: july 12, 2021

Dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqay in 90% la dhameystiray howsha dib u soo nooleynta heshiiskii Nukliyeerka Iiraan ee ka socday Vienna.

Wakiilka joogtada ah ee Dowladda Ruushka u qaabilsan Ururada caalamiga ah, Mikhail Ulyanov, ayaa u sheegay wakaalada Sputnik in wadahadaladii Vienna ay dib u bilaaban doonaan toban maalmood gudahood,  isagoo xusay in wali ay dhimantahay ballanqaadyadii Mareykanka ee ku saabsanaa wadahadalada.

Khamiistii la soo dhaafay, Jarmalka ayaa shaaca ka qaaday in Iiraan ay codsatay waqti dheeri ah oo ay  ku sameeyaan latashi gudahooda ah ka hor inta aysan dib u bilaabin wada xaajoodka Vienna ee dib u soo nooleynta heshiiskii Nukliyeerka.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Jarmalka Fitz Bruel ayaa ku sheegay shirkiisa jaraa’id  oo uu qabtay shalay in kaqeybgalayaasha Shirka ay hadda sugayaan go’aamada Xukuumadda Dahraan iyo in ay dib ugu soo laabtaan ka qeybgalayaasha Shirka Caasimada Austria ee Vienna.

Wareegii toddobaad ee wadahadalada ayaa la qorsheeynaayay inuu bilaawdo horraanta bishan July, balse  taasi ma dhicin khilaaf ka dhashay waregii lixaad awgii.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post