1125 Views

Kenya Oo Beenisay In Uu Wasiir Soomaali Ah Ku Lug Lahaa Qandaraaskii Wakiilka Guud Ee Iibinta Ee Shirkadda Kenya Airways Ee Somalia

Kenya Oo Beenisay In Uu Wasiir Soomaali Ah Ku Lug Lahaa Qandaraaskii Wakiilka Guud Ee Iibinta Ee Shirkadda Kenya Airways Ee Somalia
____________________________________________________________________________

Nairobi | QOL | Maarso 14, 2019 –  Wasaaradda Gaadiidka ee dalkaasi ayaa shaacisay inuusan Wasiirka Duulista Hawada ee Somalia, Maxamed C/llaahi Salaad “Oomaar” wax door ah ku lahayn Qandaraaska loogu tartamayey Wakiilka Guud ee Iibinta ee Xafiiska Shirkadda Diyaaradaha Kenya Aiweys u jooga dalka Somalia.

Shirkadda Kenya Airways waxay bishii November ee sannadkii hore soo bandhigtay Qandaraas ay kaga codsatay ciddii danaynaysa inay u tartami karaan jagada Wakiilka Guud ee Iibinta ee Shirkadda ee gudaha Xuduudka Somalia.

Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka ee Kenya ayaa sheegay inay Kenya Airways iyo Saraakiisha iyo Wasaaradiisa ahaayeen kuwii go’aanka ka gaaray xulashadda qofka Madaxda ka noqon doona Xafiiska Iibinta Kenya Airways ee suuqa cusub ee Somalia.

Codsiga  Ogeysiiska ee Qandaraaskaasi  ayaa ku beegnayd isla bishii ay Shirkadda Kenya Airways bilowday Duullimaadka Tooska ee Garoonka Caalamiga ee Jomo Kenyatta ee Nairobi iyo Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde ee Muqdisho.

Agaasimaha Fulinta ee Kenya Airways, Sebastayn Mikoz ayaa sheegay in Khadka cusub ee Muqdisho qeyb ka yahay qorshaha ay ku doonayaan inay ku kordhiyaan Duullimaadyadda Kenya Airways, wuxuuna hoosta ka xariiqay in muhiimadda la siinayo Macaamiisha Shirkadda ee  isugu jira Maalgashadayaasha, Ganacsatadda iyo Dalxiisayaasha ee ka shaqeysta ama maalgashada Somalia.

Diyaaradaha Shirkadda Kenya Airways waxay maalin kasta Duullimaad aan Joogsi lahayn isaga kala gooshtaa Garoomkadda Calaamiga ee magaallooyinka Nairobi iyo Muqdisho

Si kastaba ha ahaatee, Duullimaadkaasi waxa uu ballaariyey Ganacsigii Kenya ee Somalia oo haatan gaaray 974.5 million oo Dollar, iyadoo Badeecaddaha Kenya u soo dhoofiyaan Somalia uu kordhay 33.5% tan iyo bilowgii sannadkan 2019-ka.

 

 

 

 

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment