1089 Views

Somaliland oo ka jawaabtay hadalkii Ra’iisul Wasaare Rooble

Somaliland oo ka jawaabtay hadalkii Ra’iisul Wasaare Rooble
____________________________________________________________________________

Muqdisho|QOL|October 05, 2021—-Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaliland ayaa ka jawaabtay hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Roobleee ahaa in Somaliland ay  si qasab ah luga soo masaafurisay degmada Laascaanood dad Soomaliyeed , falkaas oo uu ku tilmaamay mid aad looga xumaado.

Qoraal ku qornaa luuqa English-ka oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Somaliland ay ku qasban tahay inay bixiso jawaan cadeyn ah oo an waxba kajirin hadalka Ra’iisul Wasaaraha.

“ Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu doortay in uu gudbiyo warar aan sal iyo raad toona lahayn. qadiyadda  Somaliland e iyo go’aamadda lagama maarmaanka u ah masaafurinta shaqsiyaad la soo xulay, oo si sharci darro ah u degay degmada Laascaanood, xarunta gobolka Gobolka Sool, Somaliland ayaa lagu yiri” Qoraalka.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu  sheegay in Somaliland 30-kii sano ee la soo dhaafay ay martigelisay qaxooti ka yimid wadamada deriska waafaqsan waajibaadka bani’aadamnimo ee Somaliland ee ku xusan xeerka caalamiga ahoo la xiriira shuruucda gudaha iyo xeerarka muwaadinimada.

“ Waxaa muhiim ah in la xoojiyo in go’aanka musaafurinta tiro shakhsiyaad ah oo laga soo xulay Dhulka Somaliland waxaa dhiirrigeliyay arrimo khuseeya amniga, oo ay ku jiraan codsi ka yimid bulshada deegaanka iyo maamulka degmada Laascaanood. Warbixinnada iyo la -tashiga sirdoonka waxay tilmaam cad ka bixisay in shaqsiyaadkaasi ay ammaanka dadka deegaanka ku ridayeen halis. Sidaasi darteed, Somaliland waxay ku khasbanaatay inay tallaabo qaado, laakiin hab uun bay ku dhaqaaqday si buuxda u ixtiraamaya xuquuqda aadanaha ayaa sidoo kale lagu sheegay qoaralka Wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland.

Xafiiska \Qaranimo Online|Muqdisho

_____________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post