1656 Views

Faahfaahin Khasaaraha ka dhashay Qaraxyadii ka dhacay Gaalkacyo

Faahfaahin Khasaaraha ka dhashay Qaraxyadii ka dhacay Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 26, 2018 Inta la xaqiijiyay 15 ruux oo ay ku jiraan 4 kamid ah Kooxdii weerarka soo qaaday ayaa ku dhintay weerarkii iyo Qaraxyadda Saakay ka dhacay xarun uu deganaa wadaadka lagu magacaabo Cabdiweli oo ku taalla Gaalkacyo.

Ku dhawaad 20 ruux ayaa sidoo kale waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan, sidda ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka Ammaanka maamulka Galmudug.

Ciidanka ayaa ku guuleystay in ay toogtaan Afar ka mid ah raggii weerarka soo qaaday, waxaana sidoo kale ay gacanta ku dhigeen Mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday oo dhaawac ah.

Cabdicasiis Cabdullaahi oo ah Taliyaha Ciidanka Danab ee Galmudug ayaa sheegay intii ay howlgalka ay waddeen in ay ku guuleysteen in ay qabtaan Mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday oo dhaawac ah.

Waxaa uu tilmaamay in Meydka 9 ruux ay goobta kasoo qaadeen,kuwaasoo ay ku jiraan 3 haween ah oo toogteen Kooxihii weerarka soo qaaday oo Shabaab ka tirsanaa.

Dadka dhintay, waxaa ku jira Cabdiweli Cali Cilmi yare Xaaskiisa, Labo Caruur ah oo uu dhalay iyo walaalkiisa.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment