3342 Views

Xeer ilaaliye kuxigeenka koowaad ee Qaranka oo xilka laga qaaday.

Xeer ilaaliye kuxigeenka koowaad ee Qaranka oo xilka laga qaaday.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 28, 2017 – Warar ay heshay warbaahinta ayaa sheegaya in xil ka qaadis lagu sameeyay kuxigeenka koowaad ee Xeer Ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Abuukar oo xilkaasi mudo Sanad ah soo hayay.

Xilka qaadista ayaa daba socota Kiiska Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame; oo la soo xiray 17-kii Bishan kadib markii Ciidanka Nabad Sugida weerareen hoyga uu ka deganyahay degmada Wadajir ee Gobolka Benaadir.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xeer illaaliya xilka laga qaaday uu la saftay Siyaaisgan uuna ka soo horjeestay wadada loo maray weerarka iyo Xariga loo geystay iyo sida loo Wajahay maxkamad saaridiisa, Warar ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya in Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Shaqada looga qaaday Dr. Axmed Cali Abuukar waloow aynaan wali helin.

Dr. Axmed Cali Abuukar oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo xilka qaadistiisa, Wuxuuse sheegay inuu Warbaahinta ka maqlay oo kaliya , Waxa uu noo sheegay inuu Saxaafada la hadli doono marka ay soo gaarto Waraqada Madaxweyne Farmaajo ee shaqo ka qaadista.

Xilka laga laga qaaday Dr. Axmed Cali Abuukar ayaa loo magacaabay Muuse Macalin oo horay u ahaa mid kamid ah Xeer ilaaliye Kuxigeenada, arintan ayaa durbaba banaanka u soo saareysa Khilaafka hareeyay Hay’adaha Garsoorka Dalka, wixii ka danbeeyay Go’aankii Maxkamada Gobolka Benaadir ay ku sii deysay Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment