1020 Views

Diblumaasi ka tirsan safaaradda Soomaalida Talyaaniga oo shaaca ka qaaday heshiiska Cabdi Siciid uu la galay Med-Or

Diblumaasi ka tirsan safaaradda Soomaalida Talyaaniga oo shaaca ka qaaday heshiiska Cabdi Siciid uu la galay Med-Or
____________________________________________________________________________

Axad, 16 Janaayo 2022 [Qaranimo Online] Diblumaasi ka tirsan safaarada Soomaalida Talyaaniga, kana gaabsadsay in magaciisa la xuso ayaa sheegay in Wasiirka arrimaha Dibedda Soomaaliya Cabdi Siciid inuu heshiis la galay hay’ad ka dhisan Talyaaniga oo magaceeda loo soo gaabiyo Med-Or. Heshiiskaasi wuxuu ku tilmaamay diblumaasigu mid sawirkiisa dhabta ah la qariyay.

Wasiirkii ganacsiga waxaa laga hor istaagay heshiisyo uu saxiixi lahaa, halka wasiirkii arrimaha dibedda 2 toddobaad ka hor uu heshiis la galay hay’ad Talyaani ah oo ka ganacsata hubka & raadaarada. siddee loogu ogolaaday Cabdi Siciid inuu heshiis la galo Italia.? Ayuu yiri Diblumaasigaasi.

Diblumaasigani waxaa kale oo uu ku nuuxnuuxsaday maadaama lagu jiro waqti kala guur ah in qofkasta meeshii uu wax ka soo boobi karo aaney jirto cid ka hor-taageysa.

“Wasiirka arrimaha dibedda Cabdi Siciid markii uu heshiiskani galayay wuxuu horay u sii kaxeystay wasiirkii waxbarashada oo qabar-daar ah si looga saan-tirto, socdaalkana loogu ekeysiiyo inuu kala hadlayo arrimo la xiriira deeq waxbarasho, ilaa hadda ma jirto cid is weydiisay safarkaasi ujeeddadiisa, nasiib darrada kale ee jirta waxay tahay in saxaafadii laga rabay in ay safarada nuucaan oo kale ah indhaha ku hayso waxba kalama socdaan” Ayuu yiri Diblumaasigaasi, wuxuuna intaasi sii raaciyay:

“Puntland weligeed waxay caan ku aheyd sedbursi iyo in wixii Soomaali loogu talogalay ay iyagu leexsadaan. Waxaan daawaday C/weli Gaas Video laga duubay xilligii uu RW ahaa, isaga oo odayaal Puntland uga yimid oo uu la kulmay ku oranaya, Soomaali wixii loogu talogalay ayaan idiin kaga dhacay oo idin siiyay. C/weli Gaas Videow gaas ayaa maxkamadeyn ugu filan, ilaa hadda cid isweydiisay ma jirto. Puntland cid kasta oo Dowladda Soomaaliya uga mid ah way ka siman yihiin in wixii Soomaali loogu talogalay xagooda loo leexiyo” Ayuu yiri Diblumaasigaasi.

“Heshiiskii lala galay Shiinaha ee ahaa  in ay badda ka kaluumeystaan aaway.? Ma jirtaa cid heshiiskaasi aragtay.? Heshiis labada dowladooda dhexmaray dunidda maanta casriga ah siddee ayeey saxaafadu ku heli weysay.? Aaway daah-furnaantii” Ayuu yiri Diblumaasigaasi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post