1167 Views

Mareykanka “ Xiriirka Israa’iil iyo Mareykanka wuxuu udub dhexaad u yahay amniga Bariga Dhexe

Mareykanka “  Xiriirka Israa’iil iyo Mareykanka wuxuu udub dhexaad u yahay amniga Bariga Dhexe
____________________________________________________________________________

April 11-4-2021

Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin ayaa sheegay in xiriirka Mareykanka iyo Israel uu udub dhexaad u yahay amniga Bariga Dhexe, kadib booqashadiisa Israel si uu wadahadal ula yeesho madaxda sare ee dowladda, oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare, Benjamin Netanyahu.

Lloyd Austin waa xubintii ugu sareysay ee ka mid ah maamulka Biden ee booqda Israel. Dhiggiisa Israel Benny Gantz wuxuu sheegay in Israel ay Mareykanka kala shaqeyn doonto sidii loo hubin lahaa in heshiis kasta oo diblomaasiyadeed oo cusub oo lala galo Iiraan uusan wax u dhimayn amniga gobolka.

Booqashada Xoghaye Austin waxay imaanayaa maalmo un ka dib markii wadahadallo ay ka bilowdeen magaalada Vienna oo looga gol lahaa in Mareykanka dib loogu celiyo heshiiskii Nukliyeerka Iran, oo ah heshiis ay Israel ay diidan tahay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post