1182 Views

Madaxweynaha Zambia oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Soomaaliya u qaabilsan Zambia

Madaxweynaha Zambia oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Soomaaliya u qaabilsan Zambia
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 12 , 2019 | QOL |   –Zambia.(S0NNA):- Madaweynaha dalka Zambia ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaaliya ee dalkaas, Marwa Xaawo Xasan Maxamed.

 

Safiiradda ayaa ugu horreyn dhambaal iyo Salaam ay ka sidday Madaxweynaha Soomaaliya gaarsiisay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Zambia.

 

Sidoo kale wax ay xusuusisay Madaxweynaha dalkaas Safiirka xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, iyadoo la xusuusto in muddo Qarni ku dhow ka hor ay dad Soomaaliyeed u shaqo tageen dalkaas Zambia, taasina ay muujineyso walaalnimada iyo saaxiibtinimada ka dhexeya labada waddan.

 

Safirika Soomaaliya ee Zambia Xaawo Xasan Maxamed ayaa uga  mahadnaqey sida sharafta leh oo ey u soo dhaweeyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Zambia.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment