585 Views

Dowladda Suudaan oo dib u furtay garoonka diyaaradaha kadib afgembigii dhawaan ka dhacay dalkaas

Dowladda Suudaan oo  dib u furtay garoonka diyaaradaha kadib afgembigii dhawaan ka dhacay dalkaas
____________________________________________________________________________

Arbaco: October 27, 2021

 Dowladda Suudaan ayaa maanta dib u fureysaa garoonka diyaaradaha kadib afgembigii dhawaan ka dhacay dalkaas.

Madaxa waaxda duulista iyo hawada, Janaraal Ibraahim Adlan ayaa warbaahinta u sheegay in galabta ay si toos ah duulimaadyada ugu soo laaban doonaan garoonka.

Waxaa dhawaan la hakiyay duulimaadyada garoonka caalamiga ah ee Khartoum maalin uun kadib markii militeriga ay awoodda la wareegeen, waxaana dalka looga dhawaaqay xaalad deg deg ah.

Waxaana lagu soo warramayaa in inta badan la xiray golihii wasiirada ee dowladda kumeel gaarka ah halka lasii daayay Ra’iisul Wasaare Cabdalla Hamdok.

 BBC

Office Nairobi Kenyya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post