933 Views

Wasiir Faratoon“In Soomaaliya hub la siiyo waa dambi iyo xad gudub sharci”

Wasiir Faratoon“In Soomaaliya hub la siiyo waa dambi iyo xad gudub sharci”
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 30 2020–Xukuumadda Somaliland ayaa eedeyn u jeedisay dowladda Soomaaliya, waxayna dambi iyo xad gudub sharci ku tilmaantay in Dowlada Masar ay Hub siiso Soomaaliya, iyadoo xustay inay Somaliland ahaan filayaan inuu Caalamku arintan wax ka qabto.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somalilaand Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale tilmaamay in Somaliland aan marnaba laga qaban karin Doorasho ay Soomaaliya waddo, waxaanu si gaar ah u dhaliilay siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee ku sugan Soomaaliya, oo uu xusay in aanay dal iyo dad midna aanay matalin.

“In Soomaaliya hub la siiyo waa dambi iyo xad gudub sharci, Caalamkuna wuu arkaa, ee waxaanu filaynaa inuu wax ka qabto”. ayuu yiri Wasiir Faratoon.
Waxaa uu intaasi kusii daray “Waa edeb-darro iyo gef in Rag Soomaaliya jooga ay si khaldan uga hadlaan Somaliland iyo arrimaheeda, Somaliland Doorashadeeda iyo waxay qabsanayso iyada ayey u taallaa, Doorashooyinka Soomaaliya lagu qabanayaana wax haba yaraatee Somaliland ka khuseeyaa ma jiraan, Soomaaliyana Somaliland shuqul kuma leh”

Ugu dambeyntii waxaa uu xusay “kuwa doonaya inay Soomaaliya wax ka noqdaan ee Somaliland dhalasho ahaan ka soo jeeda nama matalaan, ee waa Rag shaqo tagay, waxay ka qabsanayaana iyaga ayey jirtaa, laakiin Ragga Somaliland ka soo jeeda ee Soomaaliya u shaqo tagay ma matalaan, magaceegana kuma hadli karaan”.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment