2862 Views

Taliyaha Saldhiga Qoryooleey Oo Beeniyay Hadal Dhawaan Laga Faafiyay

Taliyaha Saldhiga Qoryooleey Oo Beeniyay Hadal Dhawaan Laga Faafiyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 18, 2017–Warbaahinta qaar ee ku yaalla dalka ayaa baahiyay in Ciidanka AMISOM ay xireen Taliyaha saldhiga Booliska Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii uu sii daayay Rag lagu eedeeyay Shabaabnimo.

Markii aan warkaas maqalnay ayaan la xiriirnay Taliyaha Ciidanka Booliska Degmada Qoryooley wuxuuna sheegay in warkaas uu yahay mid been abuur ah oo aan sal iyo raad laheyn.

Taliyaha ayaa inoo sheegay in hada xuryadiisa uu heysto oo aan la xiran, wuxuuna tilmaamay warbaahinada warkaas faafiyay in ay yihiin kuwo aan ka shaqeyn danaha shacabka.
Sidoo kale waxa uu sheegay in AMISOM ay ku qabdsatay labo qof oo shacab oo uu ka siidaayay xabsiga, balse isaga aan la xirin

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment