1197 Views

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo ku soo wajahan Muqdisho

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo ku soo wajahan Muqdisho
____________________________________________________________________________

Jimco: June 25 2021

Waxaa lagu wadaa in Muqdisho ay soo gaaraan Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug oo  filayo inay maanta soo gaaran  Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu magaalada Muqdisho kaga qayb-gelayaa shir ku saabsan dardar gelinta Arrimaha doorashada Soomaaliya, kaas oo dhexmaraya madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Sidoo kale, madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa isna la filayaa inuu Maanta soo gaaro Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa ka qayb-galaya Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, madaxda shanta dowlad goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post