915 Views

Taalibaan oo raadineysa xiriir diblomaasiyadeed oo ay la yeelato Mareykank

Taalibaan oo raadineysa xiriir diblomaasiyadeed oo ay la yeelato Mareykank
____________________________________________________________________________


aAaxad: September 5, 2021

Taalibaan ayaa ku dhow inay ku dhawaado dowlad uu yeesho waddanka Afghanistan, taas oo ay sheegeen inay raadin doonto xiriir diblomaasiyadeed oo wanaagsan, oo ay la yeelato Mareykanka, iyo guud ahaan caalamka, kaas oo ku salaysan “is -ixtiraam”.

Sarkaal sare oo ka tirsan Taalibaan oo la yiraahdo Bilaal Karimi, xubinna ka ah Guddiga Dhaqanka, ayaa VOA u sheegay in aan la cayimin wakhtiga lagu dhawaaqi doono dowladda Afghanista, laakiin ay soo dhisi doonto “xilli dhow”.

Caalamka ayaa Taalibaan indhaha ku haya, kana sugaya ballaanqaadkoodii ahaa in maamulka ay soo dhisi doonaan uu matali doono dhammaan qowmiyadaha Afghanistan, isla markaana ay xushmeynayaan xuquuqda aadanahaa, gaar ahaan haweenka – si ka duwan nidaamkoodii 20 sano kahor ka jiray Afghanistan.

Bilaal Karimi ayaa intaa ku daray inay soo dhisi doonaan dowlad dhexe oo xoog leh oo loo dhanyahay.

Wuxuu sheegay in Taalibaan ay ilaa hadda ay xiriir la leeyihiin dalal badan oo caalamka ah, isla markaana aysan filaneyn dhibaato ku timaada xiriirka dalalkaas.

Dowladda Britain ayaa Jimcihii ku nuux-nuuxsatay inay Taalibaan kula xisaabtami doonto ballanqaadyadii ay sameeyeen, Isla markaana ay hubin doonaan ficillada soo raaca hadalladeeda, waxaana wasiirka arrimaha dibada Britain Dominic Raab uu sheegay in Taalibaan aysan u aqoonsaneyn dowlad, hase yeeshee ay muhiim u arkaan inay xiriir toos ah la yeeshaan.

Mareykanka iyo deyn-bixiyeyaasha kale ee caalamiga ah ayaa joojiyay barnaamijyadii kaalmada maaliyadeed ee Afghanistan, iyagoo ku xiraya dib u bilaabista iyo dabeecadda dowladda mustaqbalka ee Taalibaan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post