927 Views

Wasiirka arrimaha dibadda Pakistan oo sheegay dalkiisa oggolaaneyn Mareykanka inuu Saldhig ciidan ku yeesho.

Wasiirka arrimaha dibadda Pakistan oo  sheegay dalkiisa oggolaaneyn Mareykanka inuu Saldhig ciidan  ku yeesho.
____________________________________________________________________________

June 13 2021

Wasiirka arrimaha dibadda Pakistan Shaah Maxamed Qureyshi ayaa sheegay dalkiisa inuu u oggolaaneyn Mareykanka inuu Saldhig ciidan ama mid diyaaradeed uu ku yeesho.

Qureyshi wuxuu sida oo kale sheegay Mareykanka inaan loo oggolaan doonin inuu duqeymo uu ka geysto bartilmaameedyo ku yaalla gudaha dalka Pakistan.

Hadalka Pakistan ka soo yeeray ayaa ku soo beegmaya xilli uu Mareykanka uu iisu diyaarinayo sidii kumannaan askari ee ka jooga Afghaanistaan uu u la bixi lahaa.

Warar kale ayaa sheegaya inuu Mareykanka uu ka fiirsanayo inuu taageera dhanka cirka ah uu siin karo ciidamada Afghanistaan haddii cadaadis xooggan uu uga yimaaddo ururka Taalibaan marka uu ciidamadiisu la baxo.

Mareykanka ayaa 2016-kii joojiyey duqeymaha diyaaradihiisa aan duuliyaha lahayn ay ku bartilmaameedsadaan ururka Taalibaan iyo Kooxaha kale ee Islaamiga ee dalkaasi ku sugan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post