453 Views

Xamse Cabdi Barre oo soo xiray Shirweynaha Maalgashiga Caalamaiga ah ee Soomaaliya oo shalay iyo maanta ka socday Muqdisho

Xamse Cabdi Barre  oo  soo xiray Shirweynaha Maalgashiga Caalamaiga ah ee Soomaaliya oo shalay iyo maanta ka socday Muqdisho
____________________________________________________________________________

Talaado: NOVEMBER 29, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa soo xiray Shirweynaha Maalgashiga Caalamaiga ah ee Soomaaliya oo shalay iyo maanta ka socday Muqdisho, kaas oo lagu soo bandhigay fursadaha maal-gashi ee dalka Soomaaliya uu leeyahay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa khudbaddiisa xiritaanka shirka ku sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo ay ka go’antahay sameynta dib-u-habeyn sharciyada dhaqaalaha iyo amniga oo fududeynaya in Soomaaliya gudaheeda ganacsi laga sameyn karo, lana abuuri karo jawi maal-gashi oo soo jiita maal-gashadayaasha.

Wuxuuna sheegay in horay loo meel mariyay sharciga maalgashiga shisheeye, kaas oo damaanad qaadaya tartan ganacsiyadeed caddaalad ku saleysan. 

Xamse ayaa intaa raaciyay in la dhisay guddiga sare ee maal-gelinta shisheeye oo ah guddiga ugu sarreeya ee sameeya siyaasadaha maal-gashiga dalka, sidoo kalana uu dalku leeyahay xafiiska dhiirri gelinta maal-gashiga shisheeye oo hoos-taga Wasaaradda Qorsheynta kaas oo loo sameeyay inuu dhiirri geliyo, soo jiito, isku dubbarido, uuna taageero buuxda siiyo maal-gelinta shisheeye ee tooska ah.

Shirka maalgashiga shisheeye ee Soomaaliya oo ahaa kii ugu horreeyay oo nuuciisa ah ayna soo agaasintay wasaaradda qorsheynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, ayaa mudadii uu socday waxaa la isku weydaarsaday fikrado maal-gashi oo muhiim u ah kuwaas oo haddii la dhaqan geliyo lagana faa’iideysto qeyb weyn ka qaadan kara gaaritaanka horumarka ay Soomaaliya hiigsaneyso. 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post