801 Views

Falastiin oo qaadacay heshiis ay Israa’iil ku siin lahayd milyan oo tallaalka Covid 19 ah.

Falastiin oo  qaadacay heshiis ay Israa’iil  ku siin lahayd milyan oo tallaalka Covid 19 ah.
____________________________________________________________________________

June 19 2021

Maamulka Falastiin ayaa qaadacay heshiis ay Israa’iil maamulkaas ku siin lahayd ugu yaraan hap milyan oo tallaalka Covid ah. Waxay sheegeen in tallaalkan Pfizer ay taariikhda dhicitaankiisa dhowdahay.

Goor sii horreysay, Israa’iil ayaa sheegtay inaysan u baahneyn keyd tallaal ah oo waqtiga dhicitaankiisuna dhow yahay isla markaana ay tahay in loo isticmaalo dardar gelinta barnaamijka tallaalka ee Falastiiniyiinta.

Taas beddelkeed, Falastiiniyiintu waxay Israa’iil siin lahaayeen isla tiro intaas ah oo tallaal ah oo ay sanadkan dhammaadkiisa ka sugayaan ururka Pfizer.

Wasiirka caafimaadka Falastiin Mai Alkaila ayaa sheegay in loo sheegay in tallaaku uu dhacayo bisha July ama August, balse markii ay ka war heleen inuu dhacayo bishan aan ku jirno ee June.

Israa’iil weli kama aysan hadlin arrintan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post