1764 Views

Dab ka kacay keymo ku dhaw caasimada Greega ee Athens oo dad ay ku dhinteen

Dab ka kacay keymo ku dhaw caasimada Greega ee Athens oo dad ay ku dhinteen
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 24, 2018 –  Dowlada Greega ayaa sheegtay in ugu yaraan la ogsoon yahay inay ku dhinteen 20 qof dab ka kacay keymo ku dhaw magaalada Athens.

Afhayeen u hadaly xukuumada ayaa sheegay in dadkaan intooda badan ay ku dhinteen nawaaxiga magaalo xeebeedka Mati oo dhacda bariga caasimada Greega, halkaasi oo ay dadku ku xayirmeeen guryahooda iyo gawaarida dhexdooda.

Boqolaal kale ayaa sidoo kale uu dhaawac kasoo gaaray dabkan. Saraakiisha dowlada Greega ayaana haatan codsanaya gargaar maxali ah si looga hortago dabka oo ku sii faafaya keymaha.

Waxaa la arkayay dalxiisayaal iyo dad deegaanka ah oo xeebaha looga soo samatabixinayoo doomo kuwaasi oo kasoo baxsaday dabka.

Boqolaal gawaarida dab damiska ah ayaa loo diray halka uu dabku ka kacay, waxa ayana la tacaalayaan dabinta dabka oo waxyar uun u jira magaalada Athens.

Balse xajmiga dabka oo xoogan awgiis ayaa dowladda Giriiga waxa ay ka dooneysa dalalka kale ee midowga yurub inay ku gacan siiyaan dadaalka lagu joojinayo dabkaasi.

Telefishan maxali ah ayaa baahiyay sawiro muujinaya qiica dabka oo cirka isku shareeray , iyo dadkii deganaa nawaaxiga dabku ka kacay oo halkaasi laga saaray.

Meeyarka magaaladaaasi ayaa sheegay inuu arkay ugu yaraan boqolaal guri uu dabku wexyeeleeyay.

Dhanka kale dadkii magaalada Kineta ee caasimada Greega ee Athes ayaa loogu baaqay inay isaga baxaan guryahooda.

Dabkan ayaa sidoo kale waxaa uu carqaladeeyay isu socodka gaadiidka, waxaana ka dhashay in la xiro wadooyinka halbolaha ah iyada oo la hakiyay adeegyada tareenada guud.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment