981 Views

Sarkaal Soomaali Kenyan ah oo lagu afduubtay Magaalada Nairobi

Sarkaal Soomaali Kenyan ah oo lagu afduubtay Magaalada Nairobi
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  September 16, 2021–Sarkaal Booliis ah oo asalkiisu yahay Soomaali Kenyan ayaa kooxo aan heebtooda la garaneyn ka afduubteen mid ka mid ah wadooyinka ugu waaweyn magaalada Nairobi ee dalka Kenya Thika Super Highway sida ay sheegeen qoyska Sarkaalka la afduubtay oo lagu Cisman Godane.

Cumar Dida oo ah aabaha sarkaalka la afduubtay ayaa maalintii arbacada aheyd 14-kii September warbaahinta u sheegay in wiilkiisa la afduubtay maalintii uu kasoo baxay hoygiisa oo ku yaalla Laisamis oo ka tirsan Marsabit County.

“Xogheynta wasiirada arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang waa inuu sharaxaa wixii dhacay xaqiijiyina in sarkaalka dib u helo xoriyadiisa,” sidaasi waxaa yiri aabaha dhalay sarkaalka la afduubtay.

“Sarkaalka wuxuu gurigiisa kasoo tagay shantii galabnimo 5-PM wuxuu kusoo wajahnaa magaalada Nairobi laakiin wuxuu afduubka dhacay afar saacadood kadib markii uusoo gaaray Thika Road” ayuu yiri aabaha dhalay sarkaalka la afduubtay Cumar Dida.

Dida wuxuu intaasi sii raaciyay, waqtigii uu soo gaaray wadada weyn ee Thika gaari madoow ayaa si xowli ah ku dhaafay kadibna hortiisa isku dadbay, waxaa naloo sheegay in gaariga madow noociisu u ekaa Toyota Noah kana soo dageen afar nin kuwaasoo afduubka sameeyay.

Gudaha dalka Kenya waxaa kusoo badanaya afduubka lagu beegsanayo dadka Soomaalida ah ee ka dhex Muuqda dalkaasi waxaana horay loo afduubtay Prof  Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ka mid ahaa aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi iyo Bashiir Maxamed Maxamuud oo ahaa ganacsade Soomaali mareykan ahaa, kaaso ugu dambeyn meydkiisa la helay.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post