993 Views

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqashadii Shanaad ku tagay Dooxa

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqashadii Shanaad ku tagay Dooxa
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 14 , 2019 | QOL |   –Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta ka dhoofay Muqdisho ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar.

 

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa oo ay kamid yihiin guddoomiyaha Gobolka Banaadir, wasiirka arrimaha dastuurka iyo mas’uuliyiin kale ayaa Dooxa uga qayb gelaya madasha Dooxa.

 

 

 

Madasha Dooxa oo ay ka qeyb gelayaan madax ka socota qaar kamid ah dowladaha caalamka iyo hey’ado caalami ah, sanadkaanna looga hadlayo ajandayaal ay kamid yihiin amniga, teknoolojiyadda, dhaqanka iyo ganacsiga ayaa soconeysa Deseembar 14-15, 2019.

 

Dowladda Qatar ayaa ka mid ah dowladdaha taageera Soomaaliya, waxaana taageeradeeda ay soo shaacbaxday Markii la doortay Madaxweyne Farmaajo.

 

kheyre ayaa tan iyo markii uu noqday Ra’iisul Wasaare tagay dalka Qatar May 13, 2017  Dec 13, 2018 , June 1, 2019 iyo November 16, 2019

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment