936 Views

Jubbaland oo dowladda dhexe ku eedeeysay Tilaabooyin sharciga baalmarsan in ay ka waddo Gedo

Jubbaland oo dowladda dhexe ku eedeeysay Tilaabooyin sharciga baalmarsan in ay ka waddo Gedo
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 02 2020–Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Gen. Maxamed Warsame Darwiish oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxa uu kaga hadlay xaalada gobolka Gedo.

Waxaa uu sheegay in Dowladda federaalku ay gobolkaasi ka abuureyso jahwareer siyaasadeed ka dib markii Gudoomiye ku xigeenka dowladdo wadato gobolka Gedo uu Magacaabay Gudoomiyeyaal degmo.

Wasiir Darwiish ayaa sheegay in arrimaha muddooyinkii danbe ka socday gobolka Gedo ee ay dabada ka riixeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay yihiin kuwo sharciga baalmarsan.

Waxa uu wasiirku sharci darro ku tilmaamay in qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Gedo xilka laga qaado kuwo cusubna la magcaabo, waxaana uu sheegay in Dowlad goboleedka Jubbaland ay aqoonsantahay Guddoomiyeyaashii ay wasaaraddu u magcowday degmooyinka gobolkaasi.

Wasiirka ayaa dhanka kale Dowladda Federaalka uga digay ka fiirsato arrimaha ay ka wado gobolka Gedo, gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha Dowladda Federaalka ayuu wasiirka ka dalbaday in ay arrimahaasi wax ka qabato

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment