2307 Views

Maxay ka wadda hadleen madaxweynaha Somaliland iyo Wakiilka QM ee Soomaaliya

Maxay ka wadda hadleen madaxweynaha Somaliland iyo Wakiilka QM ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 13, 2018 – Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la yeeshay ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr Michael Keating.

Kulankan uu madaxweyne Muuse Biixi la qaatay danjire Michael Keating, ayaa waxa ku wehelinayey, madaxweyne-ku-xigeenka JSomaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyeyaasha Guurtida iyo Wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Cali Jaamac iyo wasiirka arrimaha dibadda, Mudane Sacad Cali Shire, waxaana lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo u ubucdoodu ahayd sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta ay Jamhuuriyadda Somaliland la leedahay qaramada midoobay.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ergayga gaarka ah ee xoghayaha jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Keating uga warramay horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay iyo sida ay diyaar ugu tahay inay beesha caalamka kala shaqayso wax kasta oo maslaxadda, danta gobolka iyo guud ahaanba midda caalamku jirto, waxana uu caddeeyey in xukuumadda uu hoggaamiyo ay ka go’an tahay sidii doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee sanadka soo socda qorshaysani ugu qabsoomi lahaayeen waqtigii loo asteeyey.

Markii kulankaasi dhammaaday waxa faahfaahin kooban warbaahinta siiyey ka wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, waxaana hadalladiisii kamid ahaa,“Madaxweynaha iyo Ergayga gaarka ah ee xoghayaha jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa waxa ay ka wada hadleen waxyaabo badan oo la xidhiidha xagga amuuraha Bani’aadamnimada, xaaladda roobka sanadkan, arrimo la xidhiidha nabadgelyada, arrimo kale oo la xidhiidha doorashooyinka sanadka soo socda iyo sidii aynu guud ahaan inaga iyo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa aynu u wada shaqayn lahayn.”

somalia-sland-2 somalia-sland-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment