1422 Views

Wasiir Amar-Dambe Iyo Taliyeyaasha Ciidamada Oo Hortegay Golaha Shacabka

Wasiir Amar-Dambe Iyo Taliyeyaasha Ciidamada Oo Hortegay Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 16, 2019 | QOL |   –Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka furmay kulankii Maanta Xildhibaanada Golaga Shacabka ay su’aallaha ay ku weydiinayeen Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Xasan Maxamed Cali Amar-dambe.

Kulanka waxaa shir guddoominaayo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdi Sheekh Ibraahim Muudey iyo Guddoomiye kuxigeen 2aad Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Ajenaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Su’aallo weydiinta Wasiir Amar-dambe, waxaana Xarunta Villa hargeysan ku sugan Taliyashaasha Ciidamada dowlada.

Xildhibaannada ayaa Wasiirka su’aalo ka waydiin doona arrimo la xiriira howlgallada ay wadaan Ciidamada Qaranka iyo sidoo kale arrimo ku saabsan Wasaaradda Difaaca Soomaaliya.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment