831 Views

Madaxweynaha Ukraine oo u muuqda in uu ogolaaday qodob aad u weyn oo Ruushka ka raadinayeen, kaas oo ah in dalkani uu noqdo mid dhexdhexaad ah

Madaxweynaha Ukraine oo  u muuqda in uu ogolaaday qodob aad u weyn oo Ruushka ka raadinayeen, kaas oo ah in dalkani uu noqdo mid dhexdhexaad ah
____________________________________________________________________________

Isniin: March 28, 2022

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa u muuqda in uu ogolaaday qodob aad u weyn oo Ruushka ka raadinayeen, kaas oo ah in dalkani uu noqdo mid dhexdhexaad ah ka ah qaddiyadaha u dhaxeeya Reer Galbeedka iyo Ruushka.

Isaga oo la hadlayay warbaahinta Ruushka qaar ka mid ah ayuu Zelensky sheegay in uu diyaar u yahay in dalkiisa uu noqdo mid aanan dhinacna la jirin , balse ay tahay in marka hore damaanad laga helo dhinac sedexaad, islamarkaasina afti dadweyne loo qaado.

Dalabka madaxweynaha Ruushka ee Putin ayaa ahaa in Ukraine aysan ku biirin ologga militari ee NATO, taas oo ay Ruushka u aragto qatar weyn oo daris lasoo noqonaysa Ruushka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post